U bood dhigaalka

Gaas Oo Dowladda Federaalka Ah Ku Eedeeyay In Ay Dhinac La jirsatay Xiisadda Galmudug

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa ka hadlay xiisadda Galmudug isaga oo sheegay in dowladda federaalka ah ay dhibaatada Galmudug qeyb ka tahay.

Wareysi uu siiyay SBC waxaa uu ku sheegay in marka dhibaato noocan ay dhaco loo baahan yahay in aan dhanna la raacin: “Waxaa la rabaa fiiri, dowladda federaalka ah waa heykalkii isku xirayey Soomaliya oo dhan, waxaa la rabaa in si weyn oo mas’uuliyad ku jirto in loo fakaro, dabcan waxaa is-qabtay Galmudug madaxweynihii, madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka, aragti kala duwan bey qaateen, fikrado kala duwan ayey qaateen, waxaa la rabaa marka ay sidaasi tahay in aan dhan la raacine, isla markiiba waxaa ay dowladda federaalka soo saarya xaashi oraneysa-nimanbaa shiray xildhibaano ah waxa ay yiraahdeen waan ridnay madaxweynihii- daqiiqado kabacdi ama saacado kabacdo dowladda federaalka ah xaashi ayey soo saartay go’aankii, waxaas wax loo baahan yahay ma ahan”

Madaxweyne Gaas oo sii hadlaya waxaa uu yiri“Waxaa weeye, Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa waqti xasaasi ah, waxaa la rabay in dadkan la isku soo dhaweeyo, la isu keeno, la heshiisiiyo, maamulkaasi dhismihiisa aan la burburin laga shaqeeyo sidii uu u hormari lahaa, oo u istaagi lahaa”.

Goobjoog News