U bood dhigaalka

Gaas Oo Furaya Kalfadhigii Ugu Dambeeyey Ee Baarlamaanka Puntland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu furi doonaa kalfadhiga 41-aad ee baarlamaanka Puntland, kaasi oo ah midkii ugu dambeeyey.

Waxaa lagu wadaa in Gaas uu halkaasi ka jeediyo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa, wuxuuna ka hadli doonaa arrimo u badan ammaanka iyo wixii u qabsoomay maamulkiisa.

Dagaallada Tukaraq iyo guud ahaan xiisadda gobolka Sool ayuu madaxweyne Gaas soo hadal qaadi doonaa.

Baarlamaanka Puntland ayaa dhankooda waxaa u yaalla shaqooyin badan inta lagu guda jiro Kalfadhigan, waxaana waxyaabaha horyaalla ka mid noqonaya doorashooyinka sanadkaan ay wajahayso Puntland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News