U bood dhigaalka

Gaas Oo Imaaraadka Raalli-geliyay, Kana Codsaday In Ay Sii Joogaan..“ Ma Jirto Cid Noola Simman ama noo Badali Karto”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas oo shir jaraa’id  maanta qabtay ayaa ka hadlay joojinta Imaaraadka ee tababarka ciidanka iyo guud ahaan iskaashiga maamulkiisa kala dhaxeeyo Imaaraadka ee ganacsiga, amniga iyo maalgelinta.

Madaxweyne Gaas waxaa uu ugu horreyntii sheegay in uu xerada tababarka ciidamada badda u tagay in uu Soo booqdo ciidanka, ogaado xaaladdooda , bogaadiyo shaqada ay dalka u hayaan, sii daayo war saxaafadeed ku saabsan ciidanka iyo xiriirka Imaaraadka

Mar uu ka hadlay xiriirka kala dhaxeeyo Imaaraadka waxaa uu sheegay  “xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Imaraadka iyo Soomaaliya, mid soo jireen, taariikhi ah, oo mid ganacsi iyo mid kale”

Xiriir Ganacsi: Madadxweynaha Puntland waxaa uu ku dheeraaday xiriirka ganacsi isaga oo yiri “Imaaraadka,  ganacsiga xiriirka ugu weyn dalka uu Soomaaliya la leeyahay, waxa Soomaaliya la keeno waa doonyo iyo maraakiib ka timaada Dubai iyo Abuu Dhabi, kumannaan Soomaali ah ayaa ganacsi iyo degaan ku leh, saas daraadeed xiriirkooda waa mid qiimo gaar ah nagu leh, qadarin gaar ah nagu leh, ilaalin gaar ah nagu waajibinaya inaan aan sameyno.

Xiriir Amni:  Madaxweyne Gaas waxaa uu ka hadlay xiriirka amnig “Midka Puntland kala dhaxeeya waa la dagaalanka xagjirnimada ee Al-shabaab iyo Daacish, waxaa uu xiriirkaasi daarayaa la dagaalanka burcad badeedka, la dagaalanka tahriibka iyo la dagaalanka burcadnimada marar qaar lagu sameeyo kheyraadka dalkeenna ama kaluumeysiga sharci darrida ah.

Gaas waxaa uu sheegay in ciidankaas ay gaarayaan ilaa 2,000 oo ku nool Puntland oo dhan min Boosaaso ilaa Garacad, Eyl, Isku shuban, Xaafuun, Daar-gaal, Qandala, Boosaaso, Ceelaanyo ilaa Laas-qoray isaga oo intaasi ku daray in ciidankaasi ay Al-shabaab kula dagaalaan dhulka sida Galgala iyo Cal-madow.

Ciidankaas oo heysto qalab iyo tababar xoogan waxaa ay uu sheegay in ay howshaas u hayaan Puntland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas waxaa uu ka codsaday Imaaraadka ay sii wadaan oo labo-jibaaraan tababarka ciidamadaasi, oo ay joogaan.

Madaxweyne Gaas waxaa uu sidoo kale ka hadlay in Imaaraadka ay maal-gelin ka wadeen maal-gelinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland, boqollaal Milyan ku maal-gelinayaan oo ay ugu horreyso ballaarinta dekadda Boosaaso iyo mashaariic kale oo soo socota sida Zoon xor ah, warshadeynta iyo waddooyin.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay in Imaaraadka aaney jirin cid noola simman ama noo badali karto  isaga oo ka raaligeliyay qaladka uga yimid dhanka Soomaaliya.

Goobjoog News