U bood dhigaalka

Gaas Oo Isbeddal Ku Sameeyay G. Nugaal

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland  Cabdiweli  Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa digreeto xilalkii kaga qaaday Gudoomiyihii Gobalka Nugaal mudane Cumar Cabdullaahi Faraweyne iyo Taliyihii qaybta Booliska gobalka Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Faarax Warsame (Galangoole) isagoo xilalkaas u magacaabay masuuliyiin cusub.

Madaxweyne Gaas ayaa Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Nugaal u magacaabay Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gujir) oo mar soo noqday duqa caasimadda Garoowe, halka uu taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal u xushay si KMG ah General Muxiyadiin Axmed Aw-muuse kaasoo mar soo noqday taliye xigeenka booliska Puntland.

Isbeddalkaan uu sameynuhu ku sameeyay maamulkii iyo taliskii booliskii ee gobolka Nugaal ayaa ku soo aadaya xilli waayadii dambe ammaanka uu sii xumaanayay.

Waxaa magaalada ku sookordhay waxaa weeye dhallinyaro xeyn xeyn u abaabulan oo duhur cad xataa dadka talfoonnada gacanta kaga furta waddooyinka magaalada.

Goobjoog News