U bood dhigaalka

Gaas Oo La Kulmay Wasiiradii Kalsoonida Lagala Noqday

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxa uu magaalada Garoowe kula kulmay golahii wasiirada ee shalay kalsoonida ka waayay baarlamaanka maamulkaasi.

Kulanka oo ahaa mid aan horey loo sii qorsheyn, kana hormaray waqtigii ay shiri jireen golaha wasiirada Puntland oo ahayd Khamiis walba, waxaana looga hadlay go’aankii shalay ee wasiiradaasi kalsoonida loogala noqday.

Madaxweyne Gaas ayaa wasiirada u sheegay in shaqada ay sii wadi doonaan inta uu xukuumad cusub kasoo dhisayo.

Wasiirada ayaa sidoo  kale la sheegay in ay aqbaleen go’aankii shalay ay shaqadooda ku waayeen, kana soo fulay baarlamaanka Puntland.

Kulan Talaadadii shalay ay magaalada Garoowe ku yeesheen golaha wakiilada ee Puntland ayaa kalsoonidii waxaa lagala noqday golaha wasiirada ee maamulkaasi, kadib markii lagu eedeeyay xil gudasho la’aan.

Goobjoog News