U bood dhigaalka

Gaas Oo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Iyo Labadiisa Ku Xigeen

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto ku magacaabay taliyaha ciidamada Booliiska Puntland iyo sidoo kale ku xigeennada taliyaha.

Wareegtada ayaa sidan u qorneyd:

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa S/GUUTO Cabdulaahi Shire (Dool) loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boosliska Puntland.

Waxaa G/Sare Bile Faarax Cali loo magcaabay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Waxaa G/Sare Cusmaan Xassan Cuuke loo magcaabay Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.

Xeerkani wuuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxwaynuhu saxiixo wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

Mawduucyada:Gobollada