U bood dhigaalka

Gaas oo wafdi ka socda Midowga Yurub kula kulmay xarunta maamulkaas ee Garoowe

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wafdi ka socda Midowga Yurub maanta  kula kulmay xarunta maamulkaas ee Garoowe.

Safiiro ka kala socday wadamada  Ingiriiska, Sweden, Norwey , Nederland iyo madaxda hay’addaha UNODC iyo UNNOPS ayaa shirkaas ka qeyb galay.

Dhinacyada halkaas ku shiray ayaa ka wada hadlay Xakamaynta iyo La dagaalanka Kooxaha Burcad badeedka, dadka maal geliya Burcad Badeeda iyo sidii tayada Xabsiyada Puntland kor loogu qaadi lahaa.

Puntland ayaa dhankeeda waxa ay codsatay in gacan laga siiyo dhismaha xabsiga Garoowe iyo in ciidamada asluubta Puntland ee xabsiga ilaaliya looga sameeyo deegaan gudaha xabsiga si ay ugu fududaato gudashada howlahooda shaqo.

Warar shirka ka soo baxay ayaa sheegaya in kulanka labada dhinac ku soo dhamaaday guul iyo is af garad.