U bood dhigaalka

Gaas:Waxaa muhiim ah in aan wada eegno soomaalinimada (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas)
Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas)

Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in shirka ka furmay magaalada Garowe looga gudbi karo Khilaafka ka dhex jira dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Gaas ayaa tilmaamay in maamulkiisu uu soo dhoweynayo dadaalada ay dowladdu ka wado magaalada Garoowe ee lagu doonayo dhamenyta khilaafka ka dhex jira madaxda dowladda Soomaaliya iyo Puntland taasi oo uu ku sheegay tallaabo horseed u ah midnimada dowladda iyo maamulada dalka ka jira.

Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa daboolka ka qaaday in maamulkiisu uu dadaal ugu jiro sidii ay u garab istaagi lahaayeen xukuumadda uu hogaaminayo Cabdiweli Sheekh oo uu ku tilmaamay in uu yahay shaqsi mas’uuliyadda uu hayo wax qabadkeeda muujinaya.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa shalay furay shirka wada hadalka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland oo saddex maalmood ka soconaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Wada hadalkan ayaa diirada lagu saarayaa qodobo ay ugu wayn yihiin shidaal qodista, Federaalka iyo deeqaha gargaarka ee laga helo caalamka.

Hoos ka dhageyso codka Gaas: