U bood dhigaalka

Gaas: Xisbiga Hurusocod Qaran Waxaa Ku Mideysan Dhammaan Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Goluha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa shirkoodii 4aad ee Garoowe isku raacey inuu sameeyo Xisbi Siyaasadeed ee lagu magacaabo Xisbiga Hurusocod Qaran(National Progressive Party) oo ay ku mideysanyahiin afarta Dowlad Goboleed ee hada shirkan kasoo qayb galay, waxaana si kumeel gaar ah loogu doortey Gudoomiyaha Xisbiga Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas inta laga gaarayo shirweynaha Xisbiga.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo ah guddoomiyaha xisbiga xisbigan oo ka hadlayey ayaa sheegay inay sabab u tahay inay Soomaaliya u dhaqaaqday dhanka xisbiyada si dalka uga dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

“in la sameeyo xisbi ay ku mideysan yihiin dhammaan dowlad goboleedyada, tusaale ahaan 4-tan meesha isugu timid, inshaa-allah waan rajeynayaa Hirshabeellaha inay ku soo biiri-doonto, waxaan rabnaa xisbigu inuu ahaado xisbi u eg Soomaaliya, xisbi ka tarjumaha Soomaaliya oo dhan, xisbi Soomaali oo dhan ay ku midowgo inu noqdo, kolay markii la dhiso, waxaa arki-doontaa nooca uu yahay, mabaadii’diisa, ujeedooyinkiisa, intaas oo dhan aan ku soo bandhigi-doonno’.

Goobjoog News