U bood dhigaalka

Gabar Ku Nool Wadanka UK Ayaa Kubbaddo Ku Wareejisay Dhallinyarada Ku Dheela Wadooyinka

Sheeko:Cayaaraha

Wadooyinka magaalada Muqdisho waxaa kolkaad marto  aad arkaysaa baahiyo badan ay qabaan dhallinyarada jecel xirfada kubbadda cagta,iyagoo ku dheelo wadooyinka halista ee degmooyinka Gobolka.

Yaasmiin Cusmaan Maxamed Kastan oo ku nool wadanka Ingiriisa ayaa dhallinyarada ugu deeqaday kubbadahan waxayna Goobjoog u sheegtay in ay sii wadidoonto howshan mustaqbalka soo aadan.

Deeq Xalane oo ka mid ah qurbajoogta dalka dib ugu soo laabtay ayaa u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay howshan wuxuuna dhinaca kale qurbajoogta kula dardaarmay in ay mas’uuliyada iska saaran fursadsiinta dhallinyarada xirfada wanaagsan ee ku ciyaara wadooyinka halista ah ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dhallinyarada ku ciyaara wadooyinka oo la hadlay Goobjoog bogaadiyay shaqsiyaadka soo gaarsiiyay kubbaddahna ,iyagoo geesta kale madaxda Ciyaaraha iyo dowladda ka dalbaday in ay sameeyaan garoomo aad u wanaagsan oo ay kgaa bad baadin kara goobaha halista badan.

Yuusuf Yuusuf oo ka wakiil ahaa Yaasmiin Cusmaan Maxamed kuna wareejiyay kubbadihii loo soo wakiishay dhallinyarada ku ciyaarta wadooyinka caasimada ayaa Goobjoog u sheegay in ay sii wadi doonaan arimahan oo muhiim dhallinyarada,isagoo ganacsatada kula dardaarmay iyo qurabjoogta kula dardaarmay in ay dhiiri gelinyaan dhallinyarada oo u baahan fursad badan.


Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Caruurta La Siiyay Kubbaddaha

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2150360985273810/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle