U bood dhigaalka

Gabon: Murashaxii Mucaaradka ee Jean Ping oo Ku Dhawaaqay Inuu Guul Ka Gaaray Doorashadii Madaxtinimo

Sheeko:Dalka

Musharaxa mucaaradka ee doorashada madaxtinimo ee dalka Gabon  Jean Ping, ayaa taageerayaashiisa u sheegay Axadii shalay inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dalka Gabon, iyadoo natiijada rasmiga ah ee doorashada la filayo in la shaaciyo maalinimada Talaadada ah ee soo aaddan.

Ninkan mucaaradka ah oo uu tartan adag kala dhexeeyay madaxweynaha hadda xukunka haya ee Ali Bongo ayaa yiri; “Waa la idoortay, waxaan sugayaa  inta ay isoo gaarayso hambalyada madaxweynaha uu hadda xilku ka  dhamaaday”, waana hadalkii ugu horreeyay ee saxaafadda la siiyo kadib dhamaadkii codbixinta doorasho ee Sabtidii ka dhacday dalka Gabon.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamayay 11 musharax iyadoo ay ugu cadcadaayeen madaxweynaha hadda Ali Bongo iyo Guddoomiyihii hore ee midowga Afrika Jean Ping.

Goobjoog News