U bood dhigaalka

Gadiidleyda Boosaaso Oo Ka Cabanaya Ciriiriga Waddooyinka

Sheeko:Dalka

Darawallada gaadiidka ee magaalada Boosaaso ayaa ka cabanaya ciriir badan oo ka jira wadooyinka magaaladaasi.

Mashquul aad u badan ayaa laga dareemayaa wadooyinka Boosaaso, waxaana mararka qaar dhacda in wadadu ay xiranto.

Mid ka mid ah darwallada cabashada qaba oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in wadada dhexdeeda ay soo galeen ganacsato, iyo sidoo kale shacabka oo Laamiyadda si caadi ah isaga dhex maraya.

Waxay sheegeen in maamulka Puntland uu ka jeestay in uu wax ka qabto cabashadooda, islamarkaana ay qabaan dhibaatto badan.

“Waxaan qabnaa dhibaato badan, gaadiidkii weynaa oo magaalada soo galay, ganacsatadii oo laamiga soo dhex galay, shacabkii oo laamiga aan ka leexaneyn, marka dhibaato xooggan baan qabnaa” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah darawalladani.

Taliyaha ciidanka Ilaalada wadooyinka gobalka Bari Maxamed Faniin Yuusuf ayaa u sheegay Goobjoog News inay wadaan qorsheyaal ay ku doonayaan in wadooyinka Boosaaso ciriiriga looga saaro.

Ganacsatada ayuu sheegay taliyaha inay yihiin sababta ugu weyn ee ciriiriga u keena wadooyinka, balse waxa uu sheegay in dhawaan tallaab adag ay qaadi doonaan.

Goobjoog News