U bood dhigaalka

Gadiidleyda Ka Howlgasha Gobalka Shabellaha Hoose Qaarkood Oo Shaqo Joojin Sameeyay

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah Gadiidlayda ka hawlgasha inta u dhaxaysa  Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Baay ayaa sheegay in ay hakiyeen shaqadoodii ka dib markii ay sheegeen in ay la kulmeen dhibaato aan hore u arag.

Waxa ay sheegeen in dhibaato ay kala kulmaan ciidamo ku labisan dharka Dowaldda kuwaas oo dhac u gaysta baaburta iyagoo canshuuro dheeraad ah ka qaadaya .

Wadayaasha Gadiidka ayaa sheegaya in si joogta ah ay ula kulmaan tacadiyo daran kuwaas oo ay u gaystaan ciidamo gashan dharka Dowladda , waxa ayna baaq u direen Madaxda Dalka ugu saraysa.

Qaar ka mid ah gaadiidleyda shaqo joojinta sameeyay oo la hadlay Goobjoog News, waxay tilmaameen in shaqadooda ay u hakiyeen ka dib markii ay u baqeen naftooda iyo dadka rakaabka ah ee ay wadaan.

“Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan madaxda sare ee dowladda waxaan ka codsaneynaa inay wax ka qabtaan Isbaarooyinkaan, annaga waan shaqeysan la’nahay, dhibaato ayaa naloo geysanayaa” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah gaadiidleyda.

Tani ayaa imaanaysa xilli Taliyaha guutada Shanaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya saaka u sheegay Goobjoog News, inay gobalka Shabellaha Hoose ka qaadeen 9 Isbaaro oo gaadiidka lagu dhibi jiray.

Goobjoog News