U bood dhigaalka

Gadoodka Ciidamadii Puntland Oo La Xalliyay

Sheeko:Dalka

Waxaa xal laga gaaray gadoodka ciidamada Puntland, gaar ahaan ciidankii qabsaday Koontaroolka Koonfureed ee magaalada Garoowe Xarunta gobolka Nugaal.

Wax ka qabashada arrintaan waxaa muddo dhowr cisho ah ku howlanaa saraakiisha ciidamadan, waxgarad iyo sidoo kale xubno ka socday maamulka Puntland.

C/raxmaan Jaabiri Samatar waxa uu kamid yahay waxgaradka ku mashquulsanaa xal ka gaarista ciidanka ka cabanayey mushaar la’aaanta, waxaana uu Goobjoog News, u sheegay in dedaal badan kadib lagu guuleystay xallinta gadoodka ciidamada.

“Odoyaasha, nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Nugaal ayaa muddo ka shaqeynayey arrintaasi, qeyb ay si dadban isku arkayeen taliyaha iyo waxgaradka kale iyo qeyb ay si toos ah isku arkayeen, arrintaasi waa la xalliyey, waxaa lagu xalliyay arrintii Puntland ay ku dhisneyd ee ahayd golaha sharci dejinta, fulinta iyo dhaqanka” ayuu yiri Nabadoon Samatar.

Nabadoon C/laahi Maxamed Jibriil oo isna kamid ahaa waxgaradkii xalinayey tabashada ciidamada Puntland ayaa sheegay in la dhammeeyey cabashadii ay qabeen ciidankii qabsaday Koontaroolka Koonfureed ee Garoowe, laguna qanciyey iney ku laabtaan meelihii ay ka yimaadeen.

“Xal baa laga gaaray ciidamadana xeryahoodii bay dib ugu laabteen, isku socodkii iyo howlihii kalena sidoodii waaye, ciidamadana waan ku qancinnay iney ka tagaan Koontaroolka Koofurta Garoowe” ayuu yiri Nabadoonka.

Wasiirka wasaaradda amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo waramay Goobjoog News, ayaa isna dhankiisa sheegay in la xalliyey gadoodka ciidamada oo maamulkooda iyo dhaqanka isku afgarteen in arrintaasi lasoo afjaro.

“Ciidamadaasi waxay ka cabanayeen dhanka dhaqaalaha, waxay ahaayeen ciidan gadoodey, arrintaasi xalka baa laga gaaray, waxayna tahay iney xaq u leeyihiin sidii ay u heli lahaayeen qarashkooda iyo sidii loogu raadin lahaa” ayuu yiri wasiirka.

Dhowaan ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa la wareegay xarumo muhiim ah oo ku yaalla deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo, waxayna ciidan yihiin kuwo ka cabanayey mushaar la’aan muddo sanado ah.

Goobjoog News