U bood dhigaalka

Galeyr “Abaarta Sool Iyo Sanaag Waa Ay Kasii Dartay”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in ay kasii dartay xaaladda abaarta ee deegaannada gobollada Sool iyo Sanaag.

Waxa uu sheegay madaxweyne Galeyr in xoolo badan ay ku dhammaadeen abaarahan, islamarkaana magaalooyinka ay soo galayaan kumanaan ruux oo dhulalka baadiyaha ah abaarta uga soo barakacay.

Madaxweyne Galeyr ayaa sheegay in ayba ka baqayaan in cudurro halis ah ay ka dilaacaan dhulalka baadiyaha ah oo ay aan weli la aasin xoolihii ku dhammaaday abaarta, isaga oo baaq u diray shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samofalka ah.

“Abaarta annaga horey baan uga hadalnay, laakiinse hadda waxay mareysaa meeshii aan ka baqeynay, waxaan idiin sheegayaa in xoolihii inta badan ay dhammaadeen, sidoo kale waxay  abaarta sababtay in dadkii ku dhaqnaa dhulalka baadiyaha ah ay magaalooyinka kusoo cararaan” ayuu yiri Galeyr.

Ugu dambeyn Madaxweyne Galeys ayaa sheegay in hadda loo baahan yahay gurmad dhan walbo leh oo lala gaaro deegaannada maamulka Khaatumo uu ka arrimiyo.

“Gurmad bini’aadannimo ayaan dalbeynaa, cid walbo oo Soomaaliyeed iyo sidoo kale hay’adaha samofalka ah waxaan  ugu baaqeynaa in gurmad degdeg ah lasoo gaaraan dadka abaarta ay ku hayso Sool iyo Sanaag” ayuu hadalkiisa ku darey Madaxweyne Galeyr.

Abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada ayaa ka jirta gobollada dalka, waxayna dadka iyo duunyada u baahan yihiin iney helaan gurmad degdeg ah.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada