U bood dhigaalka

Galgaduud: Ciidamada Ahlu-sunna Oo Dagaal Ku Qabsaday Deegaan Ay Ku Suganaayeen Ciidamada Dowladda

Sheeko:Dalka

Ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Bangeelle ee gobalka Galgaduud, iyadoo saaka xaalad deganaansho ah laga soo sheegayo deegaankaasi.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Galgaduud Maxamed Cabdiweli Tooxow ayaa soo sheegaya in ciidamadii dowladda ee deegaankaasi ku sugnaa ay banaanka uga baxeen halkaasi, islamarkaana xalay deegaanka Bangeelle ay Ahlu-sunna kusoo rogeen bandow.

Waxaa socda dhaqdhaqaaq ciidan oo Labada dhinac ah, iyadoo shacabka ku dhaqan deegaankaan ay saaka bilaabeen barakac, iyaga oo ka baqaya in mar kale lagu dul dagaallamo.

Saraakiisha dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlu-sunna wax war ah kama aanay soo saarin dagaalladaan dhacay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News