U bood dhigaalka

Galgaduud: Ciidamada NISA Oo Qaaday Isbaarooyin

Sheeko:Dalka

Ciidamada Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno kamid ah gobolka Galgaduud waxay ku qaadeen Isbaarooyin dadka lacag looga qaadi jiray, kuwaasi oo ay dhigteen maleeshiyaad iskood isku abaabulay.

Guddoomiyaha degmada Cadaado, C/laahi C/raxmaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in la qaaday dhowr isbaaro oo yaalla degmada Cadaadi iyo Gelinsoor, kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada NISA.

Waxa uutilmaamay guddoomiyaha inaanay aqbali doonin Isbaarooyin sharci darro ah oo la dhigo deegaannada Galmudug, gaar ahaan Cadaado iyo deegaannada ku dhow.

“Ciidamada Nabad sugidda waxay ku baxeen Isbaarooyinkii yaalla inta u dhaxeysa Cadaado iyo Gelinsoor, waa ay soo wada qaadeen, haddii ay guuleysteenna waxaa hadda u haray in magaalada amnigeeda la sugo oo ciidamada hubeysan laga saaro” ayuu yiri guddoomiyaha.

Todobaad kahor, kulan magaalada Cadaado ay ku yeesheen waxgaradka iyo culimada Galmudug ayaa laga soo saaray go’aanno ku aadan qaadista Isbaarooyinka.

Goobjoog News