U bood dhigaalka

Galgaduud: Deegaanka Gadoon Oo Lagu Qabtay Rag Dil Kasoo Geystay Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka deegaanka Gadoon ee Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay 5 qof oo la sheegay in Labo ruux ay ku dileen deegaanka Warshubo ee gobolka Mudug xilli ay usoo baxsadeen dhanka deegaankaasi.

Guddoomiyaha Gadoon Cabdi Axmed Yuusuf oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in raggan ay dib ugu celin doonaan deegaanka Warshubo ee dilkan kasoo geysteen islamarkaana halkaasi cadaaladda lagu marin doono.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in ragga dilkan ay u fuliyeen aano qabiil, wuxuuna xusay in 5-ta qof ee ay hayaan mid ka mid ah uu yahay dhaawac.

“Ciidamada ammaanka ayaa Gadoon ku qabtay Shan nin oo dhallinyaro ah, waxay doonayeen in deegaanka ay gambaad ka dhigtaan, laakiinse dib ayaa loogu celin doonaa deegaanka Warshuban ee falkaan ku geysteen, ninkii dhaawaca ahaa Isbitaalka ayaan dhignay” ayuu yiri guddomiyaha.

Deegaanka Gadoon ayaa ka madax bannaan maamullada ka jira Galgaduud, waana deegaan maamulkiisa ku dhisan yahay hab deegaan oo aan cidna ka ammar qaadan.

Goobjoog News