U bood dhigaalka

Galgaduud: Khasaare Ka Dhashay Beelo Ku Diriray Gacan Ku Heynta Dac-dheer

Sheeko:Amniga

Dad tiro ahaan aan la xaqiijin ayaa ku dhintay halka 26 kale ku dhaawacmeen dagaal labo beel ku dhex maray deegaanka Dac-dheer oo ka tirsan Galmuduug balse ku yaallo dhanka xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Weriyaha Goobjoog News ayaa sheegaya in dagaalku ka dhashay kadib markii beel horay u daganeyd dhulka ay qixiyeen Liyuu Booliis, kuna wareejiyeen beel kale, hadda ay oo Liyuu police baxeenna ay labada beel isku qabteen cidda iska leh.

Dhimashada aad ayey u badantahay laakin tiro ahaan ma sheegin, laakin waxaa uu soo tabiyey in 11 dhaawac la geeyey Cadaado halka Cabud-waaq loo qaadey 15 dhaawac ah.

Labada beelood ee dagaalka uu dhexmaray ayaa waxa ay sidii kale isku heystaan dhul daaqsimeed iyo ceel biyood, waa beelo weligood sidan ahaa.

Ilaa hadda ma jirto, cid dhex gashay ama xal soo dhow, waxaana tani ay keeni-doontaa in dagaalka uu soo laabto goorwalba.

Goobjoog News