U bood dhigaalka

Galgaduud: Sare u Kac Ku Yimid Qiimaha Biyaha Iyo Abaarta Oo Kasii Dartay

Sheeko:Dalka

Waxaa sii kordhaya saameynta ay abaarta dalka ka jirta ku reebtay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolka Galgaduud, iyadoo lasoo sheegayo in sare u kac ku yimid qiimaha la kala siisto biyaha.

Dadka ku nool Deegaanka Ballicaano iyo tuulooyinka hoostada waxaa soo wajahay biyo la’aan baahsan, deegaannadaasina ma leh ceel biyood, waxayna biyaha ka helaan deegaanka Baxdo oo qiyaas ahaan u jirta 40-km.

Fuustada biyaha ayaa deegaannadaasi waxaa lagu geeyaa qiimo dhan 100 kun illaa 120 kun oo shilin Soomaali ah, dadkuna ma awoodaan iney qarashkaasi bixiyaan.

Nabadoon Cabdi Cismaan Cali, waxa uu kamid yahay waxgaradka ku dhaqan deegaanka Ballicaano ee gobolka Galgaduud, wuxuu sheegay in ay halis ugu jiraan iney u dhintaan biyo la’aan, wuxuuna ku baaqay in gurmad degdeg ah lala soo gaaro.

Wuxuu sheegay nabadoonka in ay u baahan yihiin gurmad biyo oo degdeg ah si loo badbaadiyo dadka iyo duunyada.

“Duunyada iyo dadkii qatar ayeey lugaha la galeen, waxaan codsaneynaa in biyo nalala soo gaaro, Fuustadii biyaha 120 illaa 100 kun shilin ayaa la gadayaa, waxaan u baahannahay in nagala saacido helista biyaha” ayuu yiri Nabadoon Cabid Cismaan.

Dalka abaarta ka jirta ayaa si siman u saameysay dadka iyo duunyada, waxaa jirta dhimasho ay sababtay abaartan, welina dadku waxay u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Goobjoog News