U bood dhigaalka

Galkacyo: 5 Ka Mid Askartii Dil Wadareedka Gaysatay oo Maanta Xabsiga La Dhigay

Sheeko:Dalka

Waxaa saaka xabsi ku yaalla magaalada Galkacyo la dhigay 5 ka mid ah 11 askari oo 9 qof oo rayid ahaa dil wadareed ugu geystay magaalada Galkacyo.

Weriyaha Goobjoog News ee Galkacyo waxaa uu sheegay in arrintaasi ay ka dambeysay kadib dadaallo tan iyo jimcihii ay wadeen xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah oo goobta gaaray.

Askarta wax dishay oo tiro ahaan gaarey 11 qof, mid booliis ah oo ka tirsanaa ciidamada dowlad goboleedka Galmudug horay ayaa loo xiray halka 10 kale oo xoogga dalka ahaa maanta lagu guuleystay in la xiro 5 askari, weli waxaa maqan 5 kale.

Xildhibaannada ayaa si wado kullamada ay la leeyihiin waxgaradka, waxaana hadda la sheegayaa in ay la fadhiyaan odayaal ka socda Shabeelada dhexe.

Wararka arrimahan la xiriira halkan kala soco.

Goobjoog News