U bood dhigaalka

Galkacyo Oo Laga Furayo Maxkamad Militari Oo Ka Madax-bannaan Galmudug iyo Puntland

Sheeko:Dalka

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegeysa in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xarun ka furan-doono magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug.

Sida uu warbaahinta dowladda u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah gudoomiyaha Maxkamadda D.1-aad ee Ciidmada Qalabka Sida, Ciidama ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka madax baxnaan  Ururuda 21-aad iyo 54-aad ee ka howlgala Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu wareejiyay amniga magaalada iyagoo wixii ay u baahdaan ee deeg ah eey ka heli doonaan dowladda dhexe ee Soomaaliya isla markaana eey hadda heleen gunnooyin  iyo agab ciidan oo ay dowladda dhexe ee Soomaaliya  ku wareejisay sida uu u sheegay.

Nuur Shuute  waxaa uu intaasi ku daray in Maxkamad Ciidan oo  heer dowladda dhexe ah kana madax banaan maamuladaasi ayaa laga hirgeliyay magaalada taasi oo la shaqeyn doonto ciidamada isku dhafka ah ee u madax banaan howlahooda waxa ayna maxkamaddaasi qaadi doonto dacwad kasta oo hubeysan oo lid ku ah amniga magaalada

Cutubyadii ugu horreeyay ee Ciidama ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la geeyay Magaaalada Galkacyo si ay u soo afjaraan isku dhacyo maleeshiyo beeleedyo halkaasi ku dagaalamayey muddo aad u dheer.

Goobjoog News