U bood dhigaalka

Galmudug: Abaarta Oo Laga Baqayo Iney Sababto Macluul

Sheeko:Dalka

Guddiga gurmadka abaaraha Galmudug oo sheegay in dhimasho badan ay sababi karto abaarta dheeraatay ee weli ka taagan  degaannada maamulkaasi.

Afhayeenka guddigaasi Maxamed Nuur Diini oo wareysi siiyay Goobjoog ayaa sheegay in qoysas farobadan oo reer guuraa ah ay u hayaameen gobollada waqooyi ee dalka.

Waxaa uu sheegay in dhimasho badan ay ka jirto degaannada qaar maadaama dadku aynaan heli karin raashin iyo biyo.

“Abaarta waxaan dhihi karnaa waxay mari kartaa meel halis ah, waxaa qarka loo saaran yahay in macluul ay dilaacdo, maadaama dhowr sano aanu roob da’in sidoo kalena ay ku xigtay abaartii SIMA ee dalka oo dhan saameysay, dhimashada iney badato ayaan ka baqeynaa, xaaladda waxay mareysaa meeshii ugu darney ebed” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhanka kale, Afhayeenka ayaa tilmaamay in raashin yaalla magaalada Muqdisho loo daabuli doono gobollada Galmudug si loo gaarsiiyo kumanaanka qoys oo ay asiibtay abaarta.

Deegaannada Galmudug ayaa kamid ah meelaha sida daran u saameysay abaarta ka jirta guud ahaan dalka.

Goobjoog News