U bood dhigaalka

Galmudug “Beel Caalam Shaqo Kuma Lahan Dadka Aan Soo Dooranay”

Sheeko:Baarlamaanka

Xukuumadda Galmudug ayaa ka hadashay qaabkii ay u qabsoontay doorashadii aqalka sare ee ka dhacday magaalada Cadaado labadii maalin ee la soo dhaafay.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Galmudug Daahir Faarax Fiidow oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada booliska Galmudug ay xaqiijinayeen ammaanka intii ay socotay doorashada aqalka sare ee Galmudug.

Su’aal ayaan ka weydiinay arrinta la xiriirta warqad la sheegay in beesha caalamka ay ka timid islamarkaana ku qoran tahay in xubno kamid ah liiska aqalka sare la bedalo.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Galmudug Daahir Fiidow ayaa sheegay inaysan jirin warqad sheegeysa in aqalka sare laga saaro Jeneraal Cabdi Xasan Qeybdiid, islamarkaana xubnaha aqalka sare ay soo doorteen xildhibaannada Galmudug.

“Annaga go’aankayagu waa mid ka aan wax ku dooranay weeye mana jirto wax la bedalayo, qof  Soomaali ah dambiile waaye lama oran karo illaa ay maxkamad xukunto” ayuu yiri wasiir xigeenka.

Wuxuu sheegay in xildhibaannada Galmudug ay soo doorteen xubnahaasi uu ku jiro Jeneraal Cabdi Qeybdiid wax lagu xumaadana ay tahay in beesha caalamka ay ka hadasho.

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo hadda kamid noqday aqalka sare ee Galmudug ayaa horey u soo noqday taliyaha ciidanka booliska dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Galmudug.

Goobjoog News