U bood dhigaalka

Galmudug: Askar Dil Geysatay Oo La Soo Qabtay

Sheeko:Amniga

Ciidanka Xoogga gaar ahaan qeybtiisa 21-aad kuwaasi oo ka howlgala deegaannada Galmudug ayaa maanya soo bandhigay labo Askari oo horay dil ugu geystay Askari kale oo ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka.

Askarta la soo bandhigay ayaa 13 kii bishaan xilli habeen aha waxaa ay duleedka deegaanka Gallinsoor ay dil ugu geysteen askari ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad.

Taliyaha Ciidamada xooggada qeybta 21-aad ee Galmudug G/sare Nuur Xiris Wardheere ayaa warbaahinta u sheegay in ay soo bandhigeen labadii askari ee dilka u geystay askariga kale waxaa uuna yiri.

“Waxaan soo bandhigeynaa dhacdo dhacday 13-kii bishaan taasi oo ah dhimasho Taariikhdu Markay aheyd 13-kii bishii Sideedaad 2018 waxaa dhintay dable xoogga dalka Soomaaliyeed ka tirsanaa qeybta 21-aad C/laahir Daahir Ciise Shiikoow ina Safiyo kaasi oo dilkiisa ay ku eedeysanyihiin labo Askari in ay ninkaas dileen askariga ah kuna dileen Sacaaddu markay aheyd  saddex saac iyo bar oroornimo gooladda Gallinsoor”.

Amaan duuliha Ciidamada xooggada dalka qeybtooda 21-aad G/sare Cabdikariim Warsame ayaa sheegay in eedeysanayaasha la hor geyn doono Cadaaladda lana waafijin doono Sharciga.

“Nimankan gacan ku dhiiglayaasha ah oo labadaan Askari ah oo dilay Askari ka tirsan Askarin ka tirsan ciidanka xoogga dalka waxaa la horgeyn doonaa Sharciga waxaa ay ka helaan ayeyna leeyihiin”.

Askartaan ayaa horay waxaa ay dil ugu geysteen deegaanka Gallinsoor ee duleedka Cadaado Askari ka tirsanaa Ciidamada xoogga dalak xilli subanimo ah maanta ayaa gacanta lagu soo dhigay.

Goobjoog News