U bood dhigaalka

Galmudug: Casir Iyo Carabey Oo Meesha Ka Saaray Baarlamaan Iyo Xukuumad Lala Wadaago Ahlu-sunna

Sheeko:Baarlamaanka

Maxamed Xaashi Carabey oo ah madaxweyne ku-xigeenka Galmudug  iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Casir oo maanta Cadaado ku laabtay ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in ay ku shaqeyn-doonaan Cadaado inta khilaafka laga xallinayo.

Cali Casir oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Cadaado u yimaadeen inay ku shaqeeyaan “sida ay ballan-qaadeen madaxweynaha federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo labaduba ay ballan-qaadeen in baarlamaanka Galmudug uu ku shaqeeyo Cadaado, tii ayaan ka jawaabeynaa maanta, waxaan rabnaa, aana qabnaa inaan u ballan-qaadno shacabka reer Galmudug, gaar ahaan deegaankan Cadaado iyo shacabkeedaba in baarlamaanka Galmudug uu ku shaqeyn-doono degmada Cadaado intii waqtigiisa uu ka dhammaanaayo

Dhinaca kale Casir waxaa uu meesha ka saaray baarlamaanka ay kula midoobeen Ahlu-sunna iyo xukuumadda isku dhafka ah ee dhowaan la dhisi-doonno“Waxaan u baaqayaa, oo rabaa inaan Mediha uga faa’ideysto baarlamaankii dowlad goboleedka Galamudug ee sharciyadda ahaa ee heystay dastuurkii 800 oo ergo ay ansixisay oo muddada halka sano ka badan la yagleelayey, oo ay isugu yimaadeen shacabka reer Galmudug dhammaantood, oo ay ka qeyb qaateen, oo xildhibaannadii Galmudugna ay ansixiyeen, waxaan rabnaa midkaas ayaa asal ah, reer Galmudugna ay heshiis ku yihiin, asagaas ayaana lagu shaqeynayaa, dastuur kale oo la abaabulayna ma qaadan-doonno, dastuur kasta oo khilaafa dastuurka dowladda federaalka ah ma qaadan-doonno.,..waxaan rabaa inaan Mediha uga faa’ideysto in baarlamaan aan aheyn kii Galmudug lagu aasaasy, Cadaadana muddo ku shaqeynayey iyo baarlamaan kale oo meel kale lagu dhisay iyo wasiirro meel kale lagu dhisay in aanan aqoonsaneyn”.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf iyo madaxa xukuumadda Sheekh Shaakir ayaa ku sugan Dhuusamareeb iyaga wado dadaallo lagu dhisayo xukuumad wadaag ah balse tallaabadan cusub ee ku-xigeenka madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka waxaa ay sii fogeynayaan rajadaasi.

Goobjoog News