U bood dhigaalka

Galmudug: “Colaadaha Ay Abaabushay Puntland Waxaa Lagu Carqaladeynayaa Doorashada”

Sheeko:Baarlamaanka

Maamulka Galmudug ayaa  sheegay Colaadaha ka jira gobollada Mudug iyo Galgaduud ay yihiin kuwa lagu carqaladeynayo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee magaalada Cadaado ka qabsoomaya waqti aan fogeyn.

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Maxamuud Cusmaan Masagawaay ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay inay abaabuleen dagaallada ka soconaya qeybo kamid ah gobolka Mudug.

Wuxuu sheegay wasiirka in dagaalladani ay abaabuleen Puntland iyo kooxda Ahlu Sunna Waljamaaca ee fadhigeedu yahay magaalada Dhuusameeb.

“Dagaalladani ka soconaya magaalada Gaalkacyo iyo gobolka Galkgaduud degaanno kamid ah waxaa soo abaabushay Puntland, qorshaha waxa weeye sidii loo carqaladeyn lahaa arrimaha doorashada, waxaana beesha caalamka u sheegeynaa in laga shaqeeyo nabadda iyo in Puntland looga digo colaadaha ay wadaan” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug Maxamuud Cismaan.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Maxamuud Cismaan Masagawaay ayaa sheegay in Puntland ay uga digayaan inay ka waantoobaan colaadaha ay ka abaabulayaan degaannada Galmudug.

Maamulka Puntland ayuu ku sheegay in ay naas nuujinayaan Alshabaab iyo Daacish islamarkaana ay Galmudug og tahay baro cayiman oo Puntland ka tirsan oo ay ku sugan yihiin kooxahaasi.

Wuxuu ugu baaqay maamulka Puntland in ay joojiyaan hurinta colaadaha oo ay ka wadaan magaalada Gaalkacyo iyo meelo kale oo ka tirsan gobollada Galmudug, islamarkaana Galmudug aysan ka jawaabi waayin colaadahaasi hase yeeshee ay u dhimrineyso dadka shacabka ah ee walaalaha ah oo wada deggan.

Dhanka kale, maamulka Ahlu Sunna ayuu ku eedeeyay inay noqdeen dad u adeegyada dano ka baxsan gobolka Galgaduud islamarkaana aan laga aqbali doonin.

Degaanka Godinlabe ayaa dib ugu soo laabtay gacanta dowlad goboleedka Galmudug waxaana weli xiisad colaadeed ay ka jirtaa galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Goobjoog News