U bood dhigaalka

Galmudug: Odayaasha Soo Xulaya Baarlamaanka Ee Weli Maqan Degdeg Haku Yimaadaan Cadaado

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka ee la doonayo inay soo xulaan xildhibaannada Galmudug, islamarkaana aan weli tagin degmada Cadaado inay degdeg ku yimaadaan degmadaasi.

Wuxuu sheegay in shaqada hadda socota ay tahay mid Soomaaliyeed, islamarkaana waqti mid ah la qabtay, lana doonayo in Odayaasha ay waqtiga aanay dayacin oo ay yimaadaan.

“Barnaamijkaan aan ka shaqeynayno ma ahan mid Galmudug, waa mid Soomaaaliyeed, waa barnaamij la rabo dalka oo dhan in mar uu ka dhaco, waxaa laga yaabaa dadka qaar inay ku fekerayaan inay is adkeeyaan, waxaan rabnaa inaan u sheegno Odayaasha dhaqanka oo u dhashay Galmudug inay yimaadaan, wax walbo waxaa loo sameeyay waqti iyo jadwal, ciddii dib dhacdana iyadaa dib dhacday mooyee shaqada ma dib dhici doonto” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa tilmaamay in amniga degmada Cadaado yahay mid xilligaan la isku haleyn karo, islamarkaana ay sii adkeyn doonaan.

“Cadaado amnigeeda waa mid aad u wanaagsan, waa mid la isku haleyn karo, isaga oo sidaasi u wanaagsan ayaan haddane sameynnay guddi ka kooban ciidamada noocyadooda kala duwan oo suga amniga, guddigaasi waa mid sarreeya oo si wanaagsan uga shaqeynaya amniga iskuna xirnay iyaga iyo guddiga doorashada heer dowlad goboleed”

Waxaa socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee loogu jiro doorashooyin dalka ka dhaca, waxaana magaalooyinka doorashooyinkaan ka dhici doonaana ku qulqulaya Odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin intaba.

Goobjoog News