U bood dhigaalka

Galmudug: Doorashada Kadib Wadahadalka Ahlu-sunna Ayaa Dib u Bilaabanaya

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo ay wehliyaan wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Galmudug ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Cadaaddo kadib markii maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada Muqdisho u joogeen wadahadalladii natiijo la’aanta kusoo dhammaaday ee ay kula jireen maamulka Ahlu-sunna.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo warbaahinta kula hadlay Garoonka Cadaado ayaa sheegay iney dardargelin doonaan doorashada madaxweynaha Galmudug, dhowaanna magaaladaasi ay tagi doonaan wufuud ka socota dowladda Federaalka ah.

“Waxaan dardargelin doonnaa doorashada madaxweynaha Galmudug ee Arbacada dhici doonta, waxaa inoo imaan doona wafdi ballaaran oo ka socda wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Mudane Xareed.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi oo isna hadlay ayaa sheegay in ay aad uga xumaadeen in natiijo la’aan uu kusoo dhammaado wadahadalkii ay kula jireen Ahlu-sunna, balse wuxuu sheegay iney wadahadallada sii wadi doonaan doorashada kadib.

“Sida aad la socotaan waxaan jirnay magaalada Muqdisho, annaga oo u aadnay arrimihii dib u heshiisiinta ee aynu kula jirnay Ahlu-sunna, waxay wadahadallada socdeen 22 cisho ah, sidii la rabayna kuma dhammaan, laakiinse waxaan rajeyneynaa in markii doorashadeenna inoo dhammaatay aan dib usii ambaqaadno” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Arbacada soo aaddan, 3-da bisha May 2017 waxaa degmada Cadaado lagu qaban doonaa doorashada madaxweynaha Galmudug, waxaana xilkaasi ku tartami doona Saddex musharrax.

Goobjoog News