U bood dhigaalka

Galmudug: Doorasho Kale Oo Maanta Ka Dhacaysa Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Magaalada Dhuusamreeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa maanta la filayaa in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka taas oo ay waddo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa si aada loo adkeeyay amniga magaalada, iyada oo dhamaan la xiray waddooyinka soo gala Dhuusamareeb si loo sugo amniga halka ay maanta ka qabsoomayso doorashada galmudug oo ay garwadeenka ka tahay dowladda.

Wariyaha Goobjoog News ee magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in mudanayaasha baarlamaanka ay aqoonsantahay dowladda federaalka ay haatan ku sii qulqulayaan hoolka ay ka dhaceyso doorashada.

Doorashada maanta ka dhacaysa Galmudug ayaa waxa ay ka dhigaysaa in maamulkaasi uu yeesho seddex madaxweyne maadaama Sheekh Shaakir iyo Xaaf horay loogu doortay xilkaaasi lamana oga natiijada arrinkaasi ka dhalankarta.

Beesha caalamka ayaa horay uga digtay in la qabto doorasho aan loo dhameyn balse dowladda ayaa ku adkaysanaysa in ay dhisto maamul iyadu ay wadato.

Sidoo kale waxagaradka iyo qaar ka mida murashaxiinta iska diiday in ay doorashadaasi ka qeyb galaan ayaa iyaguna walaac ka muujiyay sida ay dowladdu wax u waddo.

Wixii ku soo kordha halkaan kala soco

Goobjoog News