U bood dhigaalka

Galmudug: Doorashooyinka Aqalka Hoose Oo Loo Diyaargaroobayo

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa wada dedaalladii ugu dambeeyey ee lagu xareynayo ergada doorashada xildhibaannada aqalka hoose ee Galmudug uga mid noqonaya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu guddigan kulamo kala duwan  la leeyahay odoyaasha dhaqanka qaarkood ee saluugsan qaabka xulista ergada, si loo xaliyo cabashooyinka ay qabaan.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka Galmudug, Yuusuf Diiriye Maxamuud oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in hadda howshooda ay mareyso meel gebogebo ah, islamarkaana ay wadaan diyaarinta aqoonsi siinta ergada.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in maalinta berri oo Talaado ah ku haminayaan iney bilaabato doorashada qaar kamid ah kuraasta aqalka hoose ee dhanka Galmudug.

Inta badan ayuu sheegay Afhayeenka in loo soo gudbiyey kuraasta doorashadooda la qaban doono, marka laga reebo 5 Kursi oo weli guddiga loo soo gudbin.

“Waxaan sawiradii ka qaadeynaa ergooyinkii oo loo sameynayo aqoonsigii, kadibna egadii aqoonsiga la siiyo islamrkiiba meel baa la dejinayaa, maalinta Talaadada ah kuraasta ugu horreysa ayaan soo bandhigeynaa in la doorto, guud ahaan kuraasta intooda badan waan haynaa, waxaa naga maqan illaa iyo 5 kursi oo guddiga gacantiisa soo gelin, hase yeeshee howsho wey kala horreysaa, shaqada waxaa lagu bilaabayaa 12 beel, ergo kasta oo la sawiro markiiba meel baa la dejinayaa” ayuu yiri Afhayeenka.

Maamulka Puntland ayaa noqday maamulkii ugu horreeyey ee doortay qaar kamid ah xildhibaannada aqalka hoose, iyadoo maamullada kale ay wadaan dedaallo badan oo ay ku doonayaan in doorashada ay ku dhacdo si degdeg ah.

Goobjoog News