U bood dhigaalka

Galmudug: Dowladda Federaalka oo Lagu Eedeeyey Xareynta Odeyaal aan Rasmi Aheyn

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga farsamada maamul u sameynta dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta ka bilaabay magaalada Dhuusamreeb xareynta odeyaal dhaqameedka loogu tala galay soo xulista xildhibaanada cusub ee ka kala imaanaya deegaannada kala duwan ee dowlad gobaleedka.

Odayaasha lagu xareeyey Dhuusamareeb ayaa noqonaya sixiixayaasha xildhibaannada cusub, waxaan guddiga uu sheegay in ay yihiin odayaal dhaqameedkii rasmiga ahaa ee loo qorsheeyey xulista xildhibaannada.

Sidoo kala waxaa jira  Odayaal dhaqameed ku sugan magaalada  kuwaas oo sheegay in laga saaray dhaqanka soo xulaya xildhibaanada, waxaana ay dowladda federaalka ah ku eedeeyeen in Odayaasha la xareeyey  yihiin kuwii ay xulatay waxaana intaas ku ay  dareen  in ay ka soo horjeedo hanaankii lagu doonaayey in lagu dhiso Galmudug loo dhan yahay.

Dowladda federaalka ah ayaa wajaheysa su’aalo dastuuri ah oo la xiriira kaalintooda sameynta maamul goboleedyada, waxaana Galmudug ka muuqato cadaalad darro la xiriirta xulista xildhibaannada iyo guud ahaan habka loo dhisayo maamulka.

Goobjoog News