U bood dhigaalka

Galmudug: Ergada Doorashada Aqalka Hoose Oo Dooranaya Lix Kursi

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud lagu qabto qeybta Labaad ee doorashada xubnaha aqalka hoose, iyadoo maanta la dooran doono 6 Kursi.

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa sheegay in Lixda Kursi mid kamid ah ay u tartami doonaan oo kaliya Haween.

Afhayeenka guddigaasi Yuusuf Diiriye Axmed ayaa sheegay in howsha ay u socoto si habsami leh, islamarkaana xubnaha tartamaya laga doonayo iney ilaaliyaan waqtiga iyo nidaamka.

Magacyada Musharraxiinta iyo sidey u tartamayaan.

  • Qaladla Cali Warsame iyo Duniyo Maxamed Cali
  • Cabdi Shire Jaamac, Suldaan Xaaji Aadan, Deeqo Xuseen Mire iyo Qaasim Maxamed
  • Maxamed Cilmi Afrax, Bootaan Ciise Caalin, Cabdulle Faarax Xirsi iyo Cali Sheekh Yaasiin Xirsi
  • Maxamed Cabdulle Faarax iyo Maxamed Axmed Xaashi
  • Qaali Axmed Diiriye, C/casiis Cilmi Cali, Xasan Maxamed Axmed iyo Nasteexo Cali Rooble
  • Xuseen Qaasim Yuusuf iyo Shire Macalin Gaab

Ergada doorashada ayaa laga doonayaa iney soo doortaan xubnaha ugu matali doona aqalka hoose ee baarlamaanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News