U bood dhigaalka

Galmudug: Guddoomiyaha Xisbiga Kulan Oo Dowladda Ku Eedeeyay Qas

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Xisbiga siyaasiga ah ee Kulan Cismaan Xasan Cilimi oo wareysi gaara siiyay Goobjoog  News ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay qas ka waddo dhismaha maamulka Galmudug oo hadda leh seddex baarlamaan.

Cismaan Xasan Cilmi ayaa carabaabay in dowladda ay shaki kala galisay murashaxiintii ka qeyb gali lahayd doorashada Galmudug taasina ay keentay khilaaf hor leh

Guddoomiyaha oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Murashaxiintii u timid doorashada iyo saamileydii shaki ayaa la kala galiyay dowladda ayaa lambar koow ka ah shakigaasi iyo gudoonka baraalamaanka Galmudug”

Dhinaca kale guddoomiyaha Xisbiga Kulan ayaa cod dheer ku sheegay in haddii aan la xalin tabashooyinka jira Galmudug ay gali karto burbur iyo natiijo xumo tii ugu darnayd.

“Galmudug haddii aan laga badalin wajiga hadda ee Dhuusamareeb ka socda waxa ka imaan kara waa kala fogaansho waa dhimasho waa dhaawac waa burbur waa natiijo xumu khilaafkii ugu darnaana ay ku danbeyn doonto” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha xisbiga Kulan.

Dhismaha Galmudug ayaa marba marka ka dambeeya sii daba dheeraanaya iyada oo haatan guddiga doorashada maamulkaasi ay sheegeen in markale dib loo dhigay doorashada.

Goobjoog News