U bood dhigaalka

Galmudug: Hal Kursi Ayay Haweenku U Tartamayaan Aqalka Sare

Sheeko:Baarlamaanka

Iyadoo guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya maamulka Galmudug iyo labo maamul oo kale uu dib ugu celiyay liiskii aqalka sare kadib markii ay caddeyn waayeen qoondada dumarka.

Faadumo Macallin Cumar Maxamuud Iyo Samsam Daahir Maxamuud ayaa magaalada Cadaado laga shaaciyay inay hal kursi u tartami doonaan.

Arrintani ayaa ku soo aadeysa iyadoo maanta musharrixiintii aqalka sare doorashadooda ay ka billaabatay Cadaado oo ay ragga soo baxay ay ugu cadcad yihiin Abshir Maxamed Axmed Iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed ayaa horey liiskii uu soo saaray ku jirin kuraas ay ku tartamayaan gabdho kaliya.

Tani waxay ka dhigan tahay in aqalka sare ee Galmudug hal kursi ay haweenka ka heli doonaan haddii ay dhacdo in kuwa aan weli tartamin ee la loolamaya ragga laga guuleysto.

Siddeeda Kursi oo ay Galmudug leedahay hal kamid ah haweenku waa ay hubaan hase yeeshee kuwa kale waxay tartan kula jiraan ragga oo ay dhici karto laba arrin middood oo ah inay guuleystaan iyo in laga guuleysto.

Goobjoog News