U bood dhigaalka

Galmudug: Haweenka Oo Hoggaan Doortay

Sheeko:Dalka

Xubno matalayey haweenka Galmudug ayaa doortay guddoomiyaha Ururka Haweenka Galmudug, xoghayaha ururkaasi iyo guddoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Galgaduud.

Doorashadan ayaa ka dhacday guriga hooyooyinka degmada Cadaado, waxaana goobjoog ka ahaa xubno ka socda maamulka Galmudug, waxaana codeynayey haween ka kala socday deegaannada Galmudug.

Guddoomiyaha ururka haweenka Galmudug Xaliimo Jaamac Cilmi iyo xoghayaha ururkaasi Xaawo Muuse Warsame oo horey ugu magcawnaa digreeto madaxweyne ayaa cod gacan taag ah lagu ansixiyey.

Dhanka kale, Xalwo Cali Carab ayaa iyana noqotay guddoomiyaha ururka haweenka Galgaduud, ka dib markii ay 36 cod kaga adkaatay Saddex musharrax oo kale oo ay wada tartameen.

Dhammaan mas’uuliyiintan la doortay ayaa waxay sheegeen iney soo dhicin doonaan xuquuqda haweenka Galmudug.

Goobjoog News