U bood dhigaalka

Galmudug: In Ka Badan 100 Dhallinyaro Ah Oo Shaqo Abuur Loo Sameynayo

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug sheegay in shaqo abuur ay u sameyn doonaan in ka badan 100 dhallinyaro ah.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee maamulka Galmudug, Axmed Mire Cali oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in muddo Labo Bil gudahood ay dhallinyaradan ku shaqaaleysiin doonaan.

Wuxuu sheegay in wasaaraddu ay la dagaallami doonto shaqo la’aanta dhallinyarada, islamarkaana ay bixin doonaan dedaallo dheeraad ah.

“Waxaan wadnay shaqooyin la xiriira sidii wasaaradda howlaheeda dib loogu habeyn lahaa, islamarkaana shaqaale tayeeysan dowladdana wax u qabana kara loo qori lahaa, una yaraan lahayd shaqo la’aanta jirtay ayaan ku howlaneen, arrintaasi noocyo badan ayeey isugu jirtaa, waxa laga damacsan yahayna waa in laga baxo shaqo la’aanta jirta, meel wanaagsan ayeey hadda mareysaa, shaqadeenana waa in shaqo la’aanta la yareeyo, 2 bil gudahoodna waxaan ku shaqaaleysiineynaa in ka badan 100 dhallinyaro ah” ayuu yiri wasiirka.

Inta badan dhallinyarada ku sugan deegaannada Galmudug ayaa cabasho ka muujiya shaqo la’aanta ka jirta deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Goobjoog News