U bood dhigaalka

Galmudug: In Ka Badan 60 Gaari Oo Ku Xayiran Koontaroolka Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

In ka badan 60 gaari oo ah kuwa xamuulka ayaa lagu soo waramayaa in xilligaan ay ku xayiran yihiin Koontaroolka magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug.

Gaadiidkaan ayaa halkaasi ku xayiran in ka badan 24 saac, waxaana darwallada gaadiidkaasi wada oo lasoo xiriiray Goobjoog News, ay sheegeen in ay xayireen ciidamo Booliis ah oo ka tirsan Galmudug.

Waxay sheegeen in laga dalbaday in gaarigiiba uu bixiyo lacag dhan 350 doolar, taasina ay keentay in meesha lagu xayiro waa sida ay hadalka u dhigeenne.

“Waxaan Gelinsoor ku bixin jirnay lacag dhan 350 doolar, waxay Booliiska Galmudug ee Gaalkacyo ay nagu amreen inaan bixinno 350 doolar kaliya, taasina macquul ma ahan, mana isbixineyso, waana dhibaato aad u weyn” ayuu yiri mid kamid ah darwalladan oo la hadlay Goobjoog News.

Sidoo kale darawalladan ayaa sheegay in dadka gaadiidkooda u saaran qaarkood ay yihiin haween iyo carruur, lagana yaabo in xaalad adag ay soo wajahdo haddii aan degdeg wax looga qaban, waxayna maamulka Galmudug ugu baaqeen in arrintaan farogelin uu ku sameeyo.

Gaadiidka ku xayiran magaalada Gaalkacyo ayaa ka kala tagay magaalada Muqdisho iyo sidoo kale gobollada dhexe ee dalka.

Goobjoog News