U bood dhigaalka

Galmudug Iyo Ahlu-sunna Oo Heshiis Horudhac Ah Gaaray

Sheeko:Dalka

Madaxda maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna oo shir uga socday dalka Jabuuti ayaa maanta oo Axad ah waxay si horudhac ah u gaareen heshiis.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo hoggaamiyaha Ahlu-sunna, Sheekh Maxamed Shaakir ayaa si kooban ula hadlay saxaafadda waxaana ay sheegeen iney ku faraxsan yihiin is fahamkooda, wixii dhimanna ay gudaha dalka ku dhameysan doonaan.

Sheekh Shaakir oo ugu horreyn hadlay ayaa sheegay in dowladda Jabuuti uga mahadcelinayo isku keenista Labada dhinac, wixii dhimanna ay  dhammeystiran doonaan.

Dhanka kale, madaxweyne Xaaf ayaa isna sheegay inuu rajeynayo in wixii dhiman ee wadahadalka ku dhammeysan doonaan degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

“Waxaan ku faraxsanahay in arrintan oo dhowr iyo Tobad Sano taagneyd markii ugu horreysay aan heshiis wada gaarnay markii aan is hor fariisannay… waxaan u mahadcelineynaa reer Jabuuti, waxaan rajeeneynaa in heshiiskaan noqdo kii ugu dambeeyay, wixii naga dhiman ee inoo haray waxaan la aadeynaa dalkii, gaar ahaan waxaan ilaahay ka rajeyneynaa inaan Dhuusamareeb ku kaamilanno” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Madaxda maanta heshiiska ku gaaray dalka Jabuuti ayaa ka wada tagay gobolka Galgaduud, gaar ahaan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Goobjoohg News