U bood dhigaalka

Galmudug Iyo Ahlu-sunna Oo Loogu Baaqay Inay Heshiiyaan

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah waxgaradka gobollada dhexe ayaa ugu baaqay maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna in aysan caqabado aan laga bogsan u horseedin bulshada ku dhaqan Mudug iyo Galgaduud.

Nabadoon Cabdi Gorod Qaamuus oo hadda ku nool magaalada Kuwait ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog wuxuu ku sheegay in cawaaqib xumo wax aan ahayn aysan ka dhalanaynin maamullada is diidan ee ka kala dhisan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee gobalka Galgaduud.

Wuxuu sheegay in weli wax badan uusan qaban maamulka Galmudug islamarkaana caqabadaha hor taagan ay ka mid tahay wada hadalka uusan la furin maamulka Ahlu Sunna.

Nabadoonka ayaa sheegay in Labada maamul ee Galmudug iyo Ahlu-sunna wada hadal la’aantooda ay wax badan oo dhibaato ah ku keeni karaan bulshada deggan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Bulshada deggan goballadaasi ayuu ku sheegay Nabadoon Cabdi Gorod inay yihiin dad muddo ku sii jiray dhibaatooyin islamarkaana xiligani wixii ka dambeeya aysan aqbali karin dhibaato kale.

Goobjoog News