U bood dhigaalka

Galmudug Iyo Ahlu-sunna Oo Rasmi U Heshiiyay

Sheeko:Dalka

Magaaladda Dhuusa-mareeb ee xarunta Galamudug ayaa maanta lagu dhameystiray Heshiiskii lagu midaynayey Maamulka Galmudug.

Shirkan waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ergeyga Qaramada midoobey Soomaaliya Michael Keating, madaxweyneyaasha maamul goboleedyada dalka marka laga reebo Axmed Madoobe Jubbaland iyo madax kale ayaa looga hadlay sidii qaab kama dambeys ah loo mideyn lahaa Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmad Ducalle Geelle Xaaf oo goobta ka hadlay ayaa ka dalbaday Dowladda Soomaaliya in ay garab istaagto Galmudug, isaga oo wax badan ka hadlay dhibaatooyinka maamulkiisa heysto.

Wakiilka Qaramadda Midoobe ee Soomaaliya Michael Keating  ayaa isna sheegay in markii ugu horeesay laga furi doono Magaladda Dhuusamareeb Xafiiska qaramada midoobay, mashaariicna hirgelin-donaan, taasi oo farxad gelisay dadka meesha joogay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo isna hadal ka jeediyay goobta lagu dhameestiray Heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay in Ciidamda Ahlusunna ay qeyb ka noqon doonaan Ciidanka Xoogga Dalka.

Dhanka kale dibad-bax looga soo horjeedo heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug ayaa maanta ka dhacay Cadaado, dadka ayaa ka cabanay xaq-darro ay ka sheeganayaan maamulka iyo dowladda federaalka ah.

Shacabka ku nool Magaladda Cadaado iyo qaar ka mid ah Masuuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa ka qeybgalay Dibad-baxa waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku muujinayaan in aysan qeyb ka aheen Heshiiskii la gaaray.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu maalmo sii joogo gobolka si uu u xaliyo cabashada ay qabaan qaar ka tirsan magaalooyinka Galmudug.

Goobjoog News