U bood dhigaalka

Galmudug Iyo Alhu-Sunna Oo Maanta Lagu Wada Hadalsiinayo Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta lagu wadaa in uu wada hadal uga furmo magaalada Muqdisho maamul goboleedka Galmudug iyo kooxda diiniga ah ee Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

Wada hadalka labada dhinac ayaa imaanaya kadib markii ay dowladda federaalka ah go’aansatay isu keenista labada dhinac iyo dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin bulshada Galmudug.

Xalay waxaa xarunta madaxtooyada casho sharaf loogu sameeyay waftiga Sheekh Shaakir oo isaga sheegta madaxweynaha maamulka gobollada dhexe, iyada oo madaxweynayaasha maamul goboleedyadii ka qeygalay cashada sida Cabdiweli Gaas ay kula tailyeen in uu ka shaqeeyo maslaxadda guud.

Wada hadalka Galmudug iyo Ahlu-Sunna waxaa ka shaqeynaya ra’isul wasaare Xasan Khayre, Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa, wasiirka arrimaha dibadda Yusuf Garaad iyo Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, waxaana lagu wadaa in lagu dhiso maamul wadaag ay u dhan yihiin bulshada Galmudug.

Sheekh Shaakir oo bishii hore wareysi dheer siiyay Goobjoog News waxaa uu sheegay in uu ka taliyo inta u dhaxeysa Puntland iyo Koofur Galbeed, isla markaana aanu aqbali doonin in lagu qasbo arrimihii uu horay uga diiday Xasan Sheekh.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada