U bood dhigaalka

Galmudug Iyo Guuleed: 12 Arrin Oo Lagu Xasuusto Madaxweynahii Galmudug

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuled ayaa axaddii is-casilay, sababta waxaa uu ku sheegay sababo caafimaad.

Cabdikarim Guuleed, waxaa uu madaxweyne ka ahaa Galmudug tan iyo July 4, 2015-kii, waa sanad iyo sideed(8) bilood, hadaba waxaan warbixintan ku eegi donna waxyaabaha lagu xasuusto maamulkii Cabdikarim Guuleed, innagoo xogga saari donna: Xiriirkiisa Ahlu Sunna, Al-shabaab, Puntland, Burcad badeed, Liyuu Booliis, doorashooyinkii labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, dagaal beeleedyo iyo arrimo kale.

Is-casilaadda Cabdikarim Xuseen Guuleed kadib, Maxaa Lagu Xasuustaa Maamuulkii Guuleed:

Ammaanka: Cadaado oo ah magaalada ay hadda ku shaqeyso dowladda Galmudug, waxaa jooga Ciidanka Galmudug iyo ciidamada AMISOM kuwaas oo halkaas gaaray 11 maalmood kadib doorashadii Guuleed, in kasta oo maamulka Guuleed ku guuleystay qaadista isbaarooyinkii yaalley inta u dhaxeysa  Galinsoor iyo Galkacyo hadana dhanka ammaanka, dhismaha ciidamo uu yeesho maamulka iyo in ay Galamudug gacanta ku dhigto dhammaan deegaannada maamulkaasi kuma guuleysan oo arrimahaasi weli lama bilaabin, mana muuqato rajo noocaas ah!

Ahlu Sunna:  Maamulka Ahlu Sunna waxba kama badalin mowqifkooda ay ku diideen doorashadii Cabdikarim Guuleed, in kasta uu madaxweynaha mar heshiis la galay garab ka tirsan Ahlu Sunna uu horkacayey Sheekh Ibraahim Guureeye, hadana heshiiskaas laguma guuleysan waayo, waxaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay Ahlu Sunnada Dhuusamareeb ee uu hogaaminayo Sheekh Maxamed Shaakir.

Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna, waxaa ay ku dagaaleen meelo badan oo ay ku jiraan  Cabudwaaq iyo Gudinlabe, waxaa kaloo Ahlu sunna ay weli heysataa caasimadda maamulka ee Dhuusamareeb marka laga soo tago magaalooyinka Guriceel, Huurshe iyo Xeraalle, waxaa kaloo ilo ku dhaw kooxda diiniga ay sheegayaan in aanay waxba ka jirin sheegashada Galmudug ee ah in uu wada hadal u socdo Ahlu-sunna!!

Al-shabaab: Waxaa jirta in xarakada Alshabaab ay joogaan deegaanno ka tirsan gobollada hoos taga maamulka Galmudug. March 25, 2016, Maamulka Galmudug waxaa ay soo bandhigeen maxaabiis ilaa 22 ah oo ay sheegeen in ay ku qabteen dagaal dhexmaray iyaga iyo Al-shabaab, Al-shabaab waxaa ay joogaan Xarardheere, Galhareeri oo Mudug ka tirsan halka ay go’doomiyee magaalada Ceelbuur iyo goobo kale oo ku teedsan xeebaha Galgaduug iyo Mudug….Al-shabaab iyo Guuleed dagaal iyo nabad midna ma dhexmarin!!

Puntland: Maamulka Puntland oo daris la ah Galmudug, dagaallo badan ayaa dhexmaray, dagaalladaas oo soo noq-noqday, waxaa la xal laga gaaray sanad markii ay socdeen, heshiiskii ugu dambeeyay ee November sanadkii hore, waxaa qodobadiisa ka mid ahaa in ciidanka la kala qaado, guddi la dhiso, wada hadalkana la sii wado, hadda ciidamada waxaa ay joogaan meel aan kala fogeyn, waxaa intaa dheer Galkacyo waddooyinkeeda waa kala xiran yihiin illaa iyo hadda oo laguma guuleysan qaadista khadka iyo in nabad laga dhaliyo!!

Burcad Badeedda:  Intii uu Cabdikarim Guuleed madaxweynaha ahaa, waxaa dhacday dhowr dhacdo, waxaan ka xusi karnaa markab la sheegay in laga lahaa dalka Iran, 19 shaqaale ahna saarnaayeen oo ka baxsaday gacanta burcad badeedka August 2015-kii, 2 bil kadib ciidamada nabad sugidda Galmudug ayaa Cadaado gudaheeda Burcad badeed uga furtay 4 nin, Haweeney Dhakhtarad ah oo Kenyaan oo la sheegay in lagu heystay Xinlibi 8 bil iyo arrimo noocaas ah, dadka gobolka waxaa ay sheegayaan in illaa hadda burcadda ay dad heystaan isla markaana aan waxbo laga qaban!

Liyuu Booliis: Ciidamadan waa Itoobiyaan, waxaa ay ka tirsan yihiin maamul dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaa ay dhibaato ka geysteen deegaannada Daacdheer iyo Ka-xandhaale oo ku yaallo xadka Galmuduug iyo degaannada Soomaali galbeed, dad badan ayey Liyuu Booliis dileen, dad badan ayaa halkaan ku barakacay, heshiis uu Guuleed u tahay Itoobiya wax badan ma shaqeyn, Liyuu Booliis waa dhibaato ka jirta deegaannadaas!!

Dagaal Beeleed: Waxaa Galmudug ka dhacay dagaal Beeleedyo waxaan ka xusi karnaa dagaallo ka dhacay Cabud-waaq, Gadoon, inta u dhaxeysa Qeydari iyo Baxdo iyo meelo kale, arrintaas mas’uuliyad toos ah kuma laheyn Guuleed, laakin waxaa Galmudug saran mas’uuliyad siyaasi ah sidii xal looga gaari lahaa dagaallo beeleedyada soo noq-noqda, lagumana guuleysan xallintooda!!

Dib u dhiska:  Muddadii uu madaxweyne Cabdikarim Guuleed  joogay, waxaa la furay garoonka Galkacyo, waxa kaloo dhismo lagu billaabay garoonka Hobyo, laakin wax badan oo kale ayaa la qaban karay sida dhismaha dekadda Hobyo oo aan la ogeyn meel uu ka baxay heshiiskii lala galay kooxdii dhisi laheyd, waxaa kaloo xusid mudan in maamulka Galmudug uu ku shaqeeyo xafiisyadii maamulkii isaga ka horreeyay ee Ximin iyo Xeeb!!

Beesha Caalamka: Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka  IGAD, AMISOM, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka  iyo dowladaha kale, Galmudug ulama dhaqmaan sida maamullada kale ee dalka ka jira, beesha caalamka waxaa ay Galmudug xusuusataa marka ay dagaal la gasho Puntland iyo markii doorasho ka dhacayaan, laakin mashaariic, deeqo iyo caawin markii ay tahay Guuleed maamulkiisa waxbo lama siin, taasi oo dhibaato ku noqotay maamulka iyo horumarka bulshada Galmudug!!

Mooshinno:  Mudaddii uu Madaxweyne Cabdikarim Guuleed Galmudug madaxa ka ahaa, waxaa lagu xusuustaa dhowr mooshin,  Bishii October ee sanadkii hore waxaa uu baarlamaanka Galmudug mooshin ka keenay afhayeenkooda Cali Gacal Casery, 2 bil kadib January sanadkan waxaa ay sheegeen baarlamaanka in ay xilka ka qaadeen Guuleed, lama oga arrimahaas isqab-qabsiga ah sida uga lug bixi doonto Galmudug!

Doorashada Labada Aqal: Madaxweynahii Galmudug iyo maamulkiisa waxaa ay ku guuleysteen qabashada doorashada ka dhacday Cadaado ee lagu soo doortay Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah u matalayey beelaha iyo maamulka Galmudug, taas oo ku dhacday si nabad ah.

Guuleed iyo Xasan Sheekh: qormadan ma dhammaan karto iyaddoo aan la sheegin xiriirka Cabdikarim Guuleed iyo Xasan Sheekh,  inta aanay Villa Somalia iman 20 sano waxaa ay ka wada tirsanaayeen waxbarashada,  markii Xasan Sheekh madaxweyne noqday waxaa uu ka dhigtay wasiirkiisa arrimaha gudaha iyo amniga, markii dambana madaxweynaha Galmudug, sidaa ay tahay khilaafyo badan ayaa jiray oo maamulka iyo maqaamka Muqdisho ay ku jireen….ugu dameyntiina wax walbo waa ka heshiiyeen.

W/Q: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye,