U bood dhigaalka

Galmudug iyo Hirshabeelle oo Loo Diray Qalabka Looga Hortago Xanuunka Coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta qalab caafimaad oo looga hortago xanuunka Coronavirus u dirtay maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo qeyb ka ah deeq dowladda lasoo gaarsiiyay oo loogu talagalay in guud ahaan la gaarsiiyo dalka intiisa kale.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri sida tan “Wasaaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maant u sii dhiibtay Maamul Goboleedada Galmudug iyo Hirshabeelle qalab loogu talo galay ka hortaga cudurka Corona, deeqdaan ayaa Dawladda Soomaaliaya waxay kasoo gaartay Jack Ma Foundation,q alabakan ay maanta Wasaaradda Caafimaadku sii dhiibtay ayaa ah qoondadi Maamul Goboleedyada loogu talo galay teedii ugu danbaysay oo la diro, waxa qalabkan la wada geeyay dhamaan Maamul goboleedyada Dalka”

Deeqada ka timid maal qabeenka Shiinaha u dhashay ayaa waxa uu sheegay in uu ugu tala galay waddamada Afrikaanka ah ee laga helo kiisas la xiriira cudurkaan adduunka siyaabaha kala duwan u saameeyay ee Coronavirus.

Horey wasaaradda caafimaadka Soomaaliya waxa ay xaqiijisay 3 kiis oo COVID-19 ah in laga helay magaalada Muqdisho.

Image may contain: 1 person, airplane, sky and outdoor

Image may contain: airplane

Goobjoog News