U bood dhigaalka

Galmudug Iyo Liiska Sida Loo Kala Guuleystay Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee daagfuro doorashada 2016-ka kadib markii sabtidii ka dhacday doorashada aqalka sare.

Shan ka mid ah sideedda kursi ee maamulkaas u matali doonta  aqalka sare ee dowladda dhexe ayaa shalay lagu tartamay.

Kursiga 1aad ee Galmudug waxaa uu ahaa mid loolan adag uu ka jiray, waxaa ku tartamay Abshir Maxamed Axmed, Axmed Cabdi Kaahiye iyo Kamaal Daahir Xasan.

Abshir Maxamed Axmed waxaa uu helay 48 cod halka labada la tartameysay ay kala heleen Axmed Cabdi Kaahiye 23 cod iyo Kamaal Daahir Xasan 16 cod.

Mr. Abshir Bukhaari oo  horay agaasime u noqday madaxtooyad Soomaaliya ahna milkiilaha Goobjoog News, waxaa noqday senator-kii ugu horeeyay ee abid Soomaaliya tan iyo markii xuriyadda la qaatay 1960-kii, waxaa uu ka mid noqonayaa xubnaha 54-ta ah ee ka tirsan aqalka sare.

Kursi 2aad waxaa ku guuleystay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid,  isagoo ka adkaaday Maxamed Xuseen Tahliil, Qeybdiid waxaa horay u soo noqday madaxweynaha Galmudug

Kursiga 3aad waxaa ku adkaaday Axmed Abdi Dhagdheer isagoo ka adkaaday Luul Maxamed Sheekh Cusmaan.

Kursiga 4aad waxaa ku soo baxay Yusuf Geelle Ugaas, waxaa kursiga ka helay  Cabd

Kursiga 5aad waxaa ku guuleysatay Zamzam Daahir Maxmud,  waxaa ay kursiga ka heshay Faadumo Macalin Cumar, Zamzam waa gabadhii ugu horeysay ee ku biirta Aqalka sare ee Soomaaliya.

Doorashadana Aqalka sare ee Galmudug ayaa maalintii 2aad gashay saaka oo Axad aheyd, 3 kursi ayaa harsaneen, waxaana ku tartamay ilaa 7 qof.

Cabdiwaaxid Qoonjeex ayaa waxaa uu ka guuleystay Amina Cali Maxamed oo kursiga kula tartantay.

Maro Jawaahir Axmed Cilmi ayaa wacdaro dhigtay kadib markii haweneydan birta ah ay ka adkaatay labo rag ah oo midkood Xildhibaan iyo wasiir uu ahaa sida Cabdi Samad Macalin Maxamud iyo  Xasan Maxamud Maxamed.

Abubakar Axmed Xaashi ayaa isna ku guuleystay kursiga 8aad ee Aqalka Sare ee Galmudug, waxaa uu ka guuleystay Macalin Cumar Sheekh Ciise

Goobjoog News