U bood dhigaalka

Galmudug Iyo Puntland Oo Heshiis Nabadeed Ku Kala Saxiixday Abuu-Dhabi

Sheeko:Dalka

Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa la sheegayaa in ay heshiis nabadeed ku gaareen magaalada Abuu Dhubai kadib shir iyo heshiis ay dhex-dhexaadisay dowladda Imaaraadka Carabta.

Shirkan labada dhinac ay heshiiska ku gaareen waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa madaxweynayaasha maamullada Koofur galbeed Sharif Xasan Sheekh Aden, Jubbaland Axmed Modoobe  iyo Hirshabeelle Cali Cosoble.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa uu ku guuleystay in uu heshiis kala dhex-dhigo labada dhinac kadib safar ay madaxda maamul goboleedyada ku tageen magaalada Abuu Dhubai 3-dii maalin ee ugu dambeysay.

Imaaraadka oo adeegsanaya Lacag iyo xiriir soke uu la sameysay maamullada dalka ayaa saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya, lama oga in heshiiskan Galmudug iyo Puntland uu waari doono ama uu u burburi doono sidii kuwii hore.

Galmudug iyo Puntland waxaa dhexmaray dagaal sokeeye oo muddo bil ah socda, xiisadda ayaa bilaabatay September 28-keeda oo ah markii Mareykanka ay si gardarro ah u laayeen askar ka tirsan maamulka Galmudug taas oo ilaa iyo hadda aaney mag-dhaw ka bixin Washington.

Goobjoog News