U bood dhigaalka

Galmudug Iyo Puntland Oo Magacaabay Guddi Isku Dhaf Ah Oo Ka Shaqeeya Nabadda Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku soo bandhigay guddi ka kooban 18 xubin oo ka shaqeeya hirgalinta heshiiskii shalay ka dhacay magaaladaasi.

Qodobadii lagu heshiiyay waxaa kamid ahaa kala qaadista ciidamada labada dhinac oo weli isku horfadhiya galbeedka koonfureed ee Gaalkacyo waxaana guddigani uu ka shaqeyn doonaa sidii ciidanka loo kala qaadi lahaa.

Guddigani waxaa xubno ka ah maamullada gobolka Mudug ee labada dhinac sida guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug Cabdirashiid Xaashi Cartan iyo kan Puntland ee isla gobolkaasi Xasan Abgaalow iyo sidoo kale labada duq magaalo ee Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumeey oo ah duqa Gaalkacyo ee Puntland iyo dhiggiisa Xirsi Yuusuf Barre.

Waxaa sidoo kale qeyb ka ah saraakiisha ciidamada labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland.

Waxaa hadda garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ka socda shir gaar ah oo u dhaxeeya guddiga la magacaabay oo ay kaga arrinsanayaan xasaradaha ka jira galbeedka Gaalkacyo oo sabab  u noqday inay barakacaan kumanaan dadweyne ah.

Wixii ku soo kordha dib kala soco

Goobjoog News