U bood dhigaalka

Galmudug Iyo Puntland Oo Sheegy Iney Ka Shaqeyn Doonaan Deris Wanaagga

Sheeko:Dalka

Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay iney ka shaqeyn doonan deris wanaagga, nabadda iyo wadashaqeyn dhexmarta Labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in mamulkiisa diyaar u yahay inuu gacan ka geysto sidii gobolka Mudug u noqon lahaa nabad.

Wuxuu sheegay Gaas iney kala shaqeyn doonaan Galmudug xasiloonida, nabadda iyo waxwalbo oo horumarin kara gobolka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa isna dhankiisa sheegay iney diyaar u yihiin in shacabka Mudug ay ku wada noolaadaan nabad iyo walaalnimo.

Wuxuu sheegay waxyaabaha uu u noqday madaxweynaha Galmudug iney qeybweyn ka tahay sidii loo nabadeyn laha Labada maamul oo mararka qaar dagaallo ay dhexmaraan.

Dagaal beeleedyada soo noqnoqday ee Mudug ayuu sheegay Xaaf inuu ku dedaali doono in lasoo afjaro si shacabka ay nabad ugu wada noolaadaan.

Goobjoog News