U bood dhigaalka

Galmudug Iyo USAID Oo Iska Kaashaday Qalab Waxbarasho Oo Ardeyda Loo Qeybiyay

Sheeko:Dalka

Iyadoo ay jirto diyaar garoow loogu jiro imtixaanaadka mideysan ee dugsiyada sare ee dalka ayaa waxaa maanta qalab loogu tala galay sara u qaadista waxbarashada aradayda dugsiyada sare ay ku wareejisay wasaarada waxbarashada dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug oo gacan ka heleysa ururka Caalamigaa ee USAID iyo Hay’adda Mercy Cop qaar ka mida dugsiyada sare ee ku yaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Qalabkaan oo ka mid ah alaab dhameystiran oo loogu talagalay in ardaydu ay ka faa’iideeystaan maadooyinka sayniskaa ayaa waxaa munaasabadii lagu wareejinayay oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka socatay Wasaaradda Waxbarashada, waalidiin, arday iyo maamulka dugsiga sare ee S.Y.L oo qalabkaan loogu deeqay, waxaa ugu horeyn ka hadlay isku duwaha Wasaaradda Waxbarashada Gobalka Mudug Axmed Jaamac Aadan (Qoodey)  waxaana uu sharaxaad ka bixiyay qalabkaan cidda ku caawisay Wasaaradda iyo danaha ay Wasaaraddu ka leedahay.

“Qalabkaan wuxuu ugu danbeeyay sidaad wada ogtihiin howshii horumarinta Waxbarashada ee laga hayay iskuulkaan oo ay ka mid aheyd balaarintii, qalabayntii buugaagtii hadana waxa na horyaalaa waa laabkii loogu tala galay in loo isticmaalo maadooyinka sayniska, marka waa arin farxad mudan silsiladda ceynkaas ah oo hadba qeyb aad ka faa ideeysaneyseen” ayuu yiri Axmed Jaamac Aadan (Qoodey)

Sheekh Muxyadiin Yuusuf Barre oo ku hadlayay magaca gudiga waxbarashada iyo maamulka dugsiga sare ee S.Y.L oo isna munaasabada ka hadlay ayaa ugu mahad celiyay wasaarada waxbarashada Galmudug iyo Hay’addaha ka gacan siiyay.

Ugu danbeyna Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada Galmudug Axmed Nuur Cismaan Cali ayaa sheegay in looga baahan yahay ardayda Dugsiga sare ee S.Y.L  in ay noqdaan kuwo kasoo dhalaala kaalinta looga fadhiyo maadaama maanta ay nasiib uyeeshen in ay helaan qalab aysan wali nasiib u yeelan in ay helaan aradayda wax ka barata dugsiyada sare ee iyaga la mid ah ee ku yaala Deegaanada Galmudug.

Goobjoog News