U bood dhigaalka

Galmudug Iyo WFP Oo Ka Shiray Wax Ka Qabashada Baahiyaha Ka Jira Mudug Iyo Galgaduud

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxaa maanta kullan ballaaran ku yeeshay mas’uuliyiin ka mid ah maamulka Galmudug iyo saraakiil ka socotay hay’adda WFP, waxaana kullaankaasi looga hadlay sidii loo xoojin lahaa gurmad gaarsiinta dadka baahiyaha qaba ee ku nool deegaannada gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Kulankaan saxaafaddu waxay ka ahayd bannaan joog, hase ahaatee markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda u faah faahiyay gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Maxamed Shire.

Waxa uu sheegay gudoomiye ku xigeenka in WFP ay markii hore usoo bandhigtay waxqabadka Lixdii Bil ee lasoo dhaafay, sidoo kalena ay usoo bandhigeen qorshaha waxqabadka Seddaxda Sano ee soo socota.

“WFP si wanaagsan baan u wada hadalnay, waxaan sidoo kale u sheegnay in loo baahan yahay waxqabad ballaaran si loogu gurmado shacabka xilligaan abaartu ay hayso, waxay inoo soo bandhigeen qorshahooda Seddaxda Sano ee soo socota” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Ugu dambeyn mas’uulkaan ayaa u sheegay dhammaan hay’adaha samafalka ah ee ka howlgala deegaannada Galmudug in lala xisaabtami doono, loogana baahan yahay waxqabad muuqda.

Goobjoog News